|
80 Qof Ayaa Ku Dhintay 350 Qof Oo Kelana Waa La La"yahay Markii Ay Ku Soo Duntay Buur Ay Deganaayeen |
|
|
|
|
Wednesday, 03 March 2010 |
Ilaa iyo hada inta la ogyahay 80 qof ayaa ku dhimatay 350 qof oo kalana waa la la"yahay meel ay jaan iyo cidhib dhigeen ka dib markii ay ku soo dumeen buuro ay daganaayeen oo siid ka samaysnaa Seddex xaafadood oo ku yaala deegaanka degmada Bududa oo ku taala galbeedka dalka Uganda.
Wasiirka dalka Uganda u qaabilsan masiibooyinka dabiiciga ah Tarsis kabwegyera ayaa warbaahinta u sheegtay in ay xaaladu aad u halis u tahay lana rumaysan yahay in dhamaan dadka la la"yahay ay ku hoos jiraan burburka dhoobada iyo ciida buurta soo duntay, waxaanay sheegtay Wasiiradu in laga badbaadiyay masiibadan dad tiradooda lagu qiyaasay 35 qof oo kaliya.
.Tarsis kabwegyera, waxa ay ka dhjawaajisay in ay dawladu la soo gaadhay goobaha ay mashaqadani ku habsatay kaalmo gargaar ah oo deg ah iyo shaqaale samata bixiya oo caawiya dadka ku nool goobahaa iyada oo ka sanqadhisay in ay ka barbar shaqayn doonaan shaqaale ka tirsan hay"adda bisha cas ee caalamiga ah.
Ugu danbayntii waxay Wasiiradu sheegtay in jirto cabsi xoog leh oo laga qabo in ay sii socdaan dumista buuraha deegaankaa ka ag dhaw maadaama lagu jiro xilli roobaadkii oo ay roobab fiicani ka da"ayaan guud ahaan gobalka.
Dadka deegaanadaa degan ayaa ku soo urruray meydadka dadkii goobtaa ku dhintay ka hor intii aan la aasin si ay uga baadhaan dad ka mid ah qaraabadooda.
|