|
Wednesday, 20 January 2010 |
|
Kulan Dhex maray guddiyada-farsamo ee hawsha caleema-saarka ogaaska ee gobolka salal iyo jabuuti oo dhacay isniinti aynu ka soo gudubnay Iyado-ay qayb ka-tahay hawsha qabanqaabada munaasibadda caleema-saarka ogaaska beesha ciise ayaa kulan xog-waraysiya lagu qabtay qolka shirarka ee guriga ummada
Kulankan oo dhex-maray wafdi ballaaran oo ka yimid gobolka Selel iyo guddiga farsamo ee jabuti oo uu shirguddoninayey Mudane XUSEEN MAXAMUUD ROOBLE (kamaj) oo ah ah kormeeraha guud ee guddiyada jabuti ee uu xilsaaran hawlaha qabanqaabada caleema-saarka ogaaska aya-ah mid lagu eegayay halka-ay hawlo marayaan . Wafdiga g/selel oo ay hormuud u-yihin badhasabka gobolka maxamad mussa bucul(buuni) iyo duqa Saylac maxamad cumar xaddi oo isugu-jira guddiyo dhawra oo ku hawlan munaasibadda caleema-saarka ogaaska ayaa mar-ay hadalka isku daba mareen waxa-ay kaga xog-warrameen habsami-socodka hawlaha oy ka mid yihiin waxyaabihi u-qabsoomay oy ka tilmaameen sida waddada isku xidha saylac iyo jabuuti oo gabagaba-ah,biyaha oo ay sheegeen in daayac-tir lagu sameeyay ceelki magaalada iyo goobaha marti-sharafka oo gabagabo ku-dhaw . Dood adag oo fool-ka-foola oo 2da dhinac ka yeesheen arrimaha hadhan oy ka mid yihiin gaadiidka,nadaafada,iyo is-gaadhsiinta taaso gorfayn-dheer kadib dhinacyadu aragtidooda ku-soo ururiyeen in dardar cusub la galiyo lana mideeyo dadaalka,wax-qabadka,iyo istaageersiga o-ay-wadaan guddiyada 3da dhinac ee jabuuti,itoobiya,iyosaylac. Gunaanadka kulanka ayaa hadal kooban oo u madasha shirka ka jeediyay badhasaabka gobolka saylac (buuni) waxa-aw sawir kooban kaga ifbixiyay xaalada guud ee gobolka iyo gaar-ahaan magaalada saylac oo-ay haadan ka-jiraan xaalad ba’an oo abaareed oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka waxana uu dhinaca-kale ku booriyay 2da dhinac inay kordhiyaan iskaashigooda. Dhinaca-kale isla kulan xigay oo-ay si gaara isaga arkeen guddiga farsamo ee soorta(sooryaynta)munaasibada caleema saarka ayaa la-isula eegay warbixin ay ku faahfaahiyeen guddiga loo xil-saaray taaso qodobo dhawra lagu gorfeeyay oy ka mid yihiin shaqaalaha adeegaya,agabka ,raashinka,xoolaha-nool,iyo kharashka baxaya. Isku-soo wada duub shirarka iyo kulamadani ayaa ku soo beegmaya xilli-ay saadaasha caleema-saarka ogaaska lagu boqrayo saansaayadeedi sanka innagu hayso. Djibouti 04/01/10, waraarkan waxaan kaso xiganay http://siiti.net/KULANUGAAS.htm |