UGAAS MUSTAFA OO SOCDAAL HAWLEED UGU BAXAY DEGMOOYINKA BAREENTU –NIRGAALE –CAAD-AFCASE IYO BIKI PDF Print E-mail
Wednesday, 20 January 2010

Ka dib markii ay dhamaadeen Hawlihii Qabashada Ugaas Mustafa ee ka dhacay Deegaanka Gugumacad ayaa ugaaska looga dhigay magaalada Mile Rug ku meel gaadha oo loogu diyaarinayey Xaflada Caleema saarka iyo Gooba dhaqameedyada uu booqan doono iyada oc Gacanta loo galiyey Wardiiqa jilibka Reer Xasanka oo sida caadadu tahay ah in ay iyagu noqdaan kuwa ugu horeeya ee Ugaaska gacanta lagaga rido 44 Cisho kadib ayaa Ugaasku Socdaalkiisii ugu horeeyey ku tagay Degmada Bareentu oo W/Galbeed ka xigta Magaalada Erer
waxana halkaa ka dhacday Xaflad aad ay u soo agaasimeen Wardiiqu Gaar ahaana Jilbka Yeesifka oo ka mid ah Reerha Caado ahaan Ugaaska logu Marti galiyo waxana halkaa lagu soo bandhigay Ciyaaro caado iyo Ducooyin, Markii uu Ugaaska soo dhameeyey Socdaalkaa waxa uu ku soo laabtay Magaalada Mile,ka dib ayaa Gudoomiyaha Gandaha Mudane/ Rooble Wacays Xasan iyo Gudi uu Hogaaminayey Bilaabay Gogol xaadhaka Socdaalada ugaasku ugu bixi lahaa Reeraha Booqashada Ugaasku Caado ahaan Booqan jiray waxana Gudigaasi Gaadheen Degmada Nirgaale oo ay kula kulmeen Cuqaashii iyo indheer gardka Xasan Gadiidshe oo ay ka war galiyeen Bilowga Socdaaladii Ugaaska , Fadhi wada tashi ah oo ay galeen Odayshii Xasan Gadiidshe ayaa lagu soo saaray Go,aanka Aqbalka Ergada Ugaaska kadib Gudigu waxa uu u gudbay Degmada loo yaqaano Caad halkaas oo uu kula kulmaya Cuqaashii Reer Guulane oo iyaguna xagooda soo dhaweeyey Codsiga Gudiga Ugaaska i isla malintaa Gudigu waxa ay u gudbeen Degmada Cayiliso oo ay kula kulmeen Cuqaashii Mamaasan Reer Xasanka oo ah Reer Wacays waxana ay u gudbiyeen Fariintii ay sideen cuqaashuna dhankooda way soo dhaweeyeen Arikaasi Mudo ka dib ayaa Ugasku Bilaabay socdaalkiisii labaad isaga oo booqanaya reerihii Caado ahaan uu soo booqan jiray islamar ahaantaana Gudiga Gogol xaadhka Socdaalada Ugaasku soo Kormeereen 23/11/2009 ayuu Ugasku Gaadhay Reer XasanGadiidshe oo Reer Cabdile ah waxana loo soo dhaweyey si diiran oo farxadi ku dheehan tahay iyada oo sida Caadada ah reer Xasan Gadiidshe u lisaan Ugaaska Laxda la yiraahdo DHARO Habeenimadii ayaa Ugaaska loo saaray Carabka Caano Subaxnimadiina Caaddin intaa kadib ayuu ugaaska lagu sobootiyeyey Farxad Ugaasku waxa uu ku sii hakaday Tuulada la yiraahdo Jaleelo taasoo si diiran loogu soo dhaweeyey raadeysana Ugaaska iyo Ciddii la socotay 24/11/2009 ayuu Ugaasku Gaadhay Reer Guulane Reer Axamed ah oo yaalay Degmada Caad Waxana Ugaaska Lagu soo Dhaweeyey Caleemo qoyan iyo Ciyaaro kala gadisan oo Hidde iyo Dhaqana waxana Carabka lo Saaray Ugaaska Caanaha Saca loo yaqaano LEEFA Barqadiina waxa uu ku soo hakaday Magaalada Jaleelo waxana uu uga gudbay Magaalada Mile oo ah Saldhiga ku meelgaadhka ah ee Ugaaska
30/11/2009 ayuu Ugaasku Booqasho ugu baxay Degmada Cayiliso oo ay Marti galiyeen Mamaasan Reer Xasan oo Reer Wacaysi halkaas oo aad loogu soo Dhaweeyay
14-16/12/2009 Ugaasku waxa uu booqasho ku maray Deegaanada Afcase iyo Biki oo iygana aad loogu soo dhaweeyey ciyaaro hidda iyo dhaqana waxana halkaa Goobjoog ahaa Wafdi uu hogaaminayey Wasiirka Hidaha iyo dhaqanka ee Itoobiya mudane Maxanuud Dirir oo halkaa ka jeediyey hadal uu ku soo bandhigaya Taariikhdii Ugaasyadii ciise waxana uu tilmaamay sida ay ugu faraxsanyihiin qadarinta Ugaaska intaa ka dib waxa ugaasku ku soo laabmay Magaalada Mile , waxa xusid Mudan in Ugaaska marka kasta oo uu socdaal u boxo loo Dhisayey Aqal soomaali uu ku Qaabilo dadka .Ugaaska oo loo diyaarinayo Xaflad wayn ee ka dhici doonta Magaalo madaxdda G/ Selel ee Saylac ayaa la filayaa in uu Socdaaladiisa dhamaystiro Caleema saarka kadib.
Diyaariye Abubakar Fariid


This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
 
< Prev   Next >

Soo dajiso flash sa u aragtid