|
Maansadii Lamagac Baxday(Ninka Waashay ) |
|
|
|
|
Wareey alla aamusaay Ibliiskii maanta daya Itaalka wax moodi jiray Itoobiya doontihii Suudaan ku abraarihii Miyuu maantana is,yidhi Tanaa dabka,aaminee Kudaar ololkoo burburi Awoodna ku qaad dhulkood Allaase ka hiiliyoo Cagtuu orodkii ka dayay Ishuu lilmadii ka qubay Jab iyo ceebuu hantiyay Inbaa orod noogu timid
Afeef hore yeelo baa Adkaysiga lagu hantaa Isfahankii wuu inkiray Ergana toodii ka diid Anaanidu way dishoo Wakaa afka ciida daray Wakaa askartiisu timid Istaahilna wuu ku yahay
Wareey alla waa wareey Ayaantan wixii ku dhacay Ayaama ayay unoqon Intiisa inuun ka badin Afkiisa inuun ka hadal Asaasaq ninkuu ku dhaco Asawda inaan barnaa Aqoon tayadaa natidhi Aduunkuna wuu arkaa
Wareey alla waa wareey Ufiirso bal tuu ku kacay Halkuu uhamuumsan yahay Miyuun aarmee fadhiyin Xiduudi miyay ahayn Siduu aqligiisu yahay Rag buuna aqoon ka helin Darsaan alif loogu dhigin Dharbaaxaan lagu asqayn
Wareey alla waa wareey Markaan is,habaynayeen Umuujinay geesinimo Afuufnay cadaawihii Ku,oodanay meel udaran Afduubkii tirabatuu Aqoonsaday tiisa daran
Wareey alla waa wareey Abeeskii mucangagii Aduunka ka goostihii Dadkii god ku,ootihii Irhaabigu wuu cad yahay Hadaan ololaha lagalin Wallee eebuu sitaa Wallee ibtiluu wadaa Abaadin dadbuu wadaa Wallee anaguun nabaran intaasi kolay ku filan
wareey alla waa wareey wareey alla mala adkaa ogow ninka waashayoow inaan aagii fadhino difaacna uheegan nahay heshiiska islaam nacoow soomaali ayaan ka nimid ogow waan kaa xignaa ogow dadku waa diyaar ogow wacdaraa ku heli ogow dumar iyo caruur ogow way kula socdaan ogow ardaydii maqnayd ogow way imanayaan kuwaan isku diirka nahay afkuna mid qudhaata yahay ogow way imanayaan abkaayana waad taqaan
wareey alla waa wareey xumaanta dhaxlaa umulay ku,eeg bal fartuu is,yidhi intay tiradood yar tahay aroorta galbuu is,yidhi ka qaad oodana dagaal uxoog sheeguu is,yidhi ku xuuxi dabbuu is,yidhi ku,aa,a markab buu isyidhi inay ko bocday rabtaa ka,awd iriduu is,yidhi iftiin nolol bay rabtaa sidaa dubay oo kale ka,ooli ayuu is,yidhi afriik geeskeeda kali wataa edeg nabad degtee ku huri ololbuu is,yidhi sidaa orobay rabtaa inay aayaha saxdee ka aas hantiduu lahaa umuura qasbuu lahaa
ilaahbaa mahada lee wakaa isma dhaantadii isbaabi,isee arkaay asxaan jaar diidihii wakaa ordayee arkaay asyaas badawnimo wakaa uqaatay rarkee arkaa ismaqal wada hadalka nece wakaa ordayee arkaay afgaran waagii xumaa wakaa ordayee arkaay ilaah ma adeecihii asnaamta uleexdihii wakaa ordayee arkaay ukaadi mayeelihii uxaadi ninkii ahaa wakaa ordayee arkaay ogaalka ka doodihii isdiid siiyihii dagaal xaqiiqda ka aamusihii runtana ka ilduufihii wakaa ordayee arkaay ayuu horta noo yaqaan aqoon qofka kuu lahayn ishuu kuusoo martaa afkuu kula soogalaa
wareey alla waa wareey allow mahadaa madhigin shahiidkana iil madhibo islaamkaa taas nabaray dad iimaan laa nunahay ashraaf magac laa nunahay awood badanlaa nunahay is,aaminsanbaa nunahay cidii ula timid fartaag ka aarsada baa nunahay iskaashada baa nunahay
waxaan gabaygani udiri walaalaha aaga hore utaagan difaaca qaran waxaan gabaygani udiri intii umahaat ka hadhay intay awlaad dhaleen waxaan gabaygani udiri amiirada noo tashiyo intii odayaal wax garad utaagan tilmaanta qaran
c/fataax daahir cige
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
cairo |