maanso(Qur,aanka kariimka ah‏ PDF Print E-mail

Horta gabayga qaafkiyo qiyaas

Laguma koobaayo

Qololkiisa qaybaa kamida

Laga qaniimaysto

Inta qawlka aan uga socdaan

Qac uga qaataaye

Aan qodbeeyo maansadu marbay

Qiima leedahay

 

 

Qurun hore quraankoona iman

Qawl aan kucadeeyo

Qabiilba laqiimay jiroo

Qoysas lagu laayay

Qiimaha haweenkaa ahaa

Qashin lasoo aaso

Qashifaad kacararbuu lahaa

Qaanbaa kuu imane

Seeftiisu waxay qaadabuu

Quudka dhiganaayay

 

 

Qaasin muxumad keenii markuu

Qaadir soodiray

Quraaan keena qaaliga ahaa

Sawdka ugu qaaaday

Waa saxir qadiimee qubee

Hadal kuqayb sheene

Inkastooy qorsheeyeen qariba

Qaalib ka ahaada

Qodobada kubiirsheen qofqudha

Qabashadaa deeqi

Uqab soomi waydoo markale

Qoysaskala qaybi

Walaac baa dhacoo ragii qawmka waday

qodobo soosaardhe

 

 

Iska qaado mida ugu qurxoon

Qowmka gabigiiba

Qureeshoon ugu qani sanoow

Qaybta xoolahae

Qabiilada qureesheed dhammaan

Qaa id u ahaw

Qur, aankuun qabiilada kadaa

Qalad xun weeyaan

 

 

Qoraxdani iftiintiyo hadii

Qamar lasoo qaado

Maqiraayo quraan koon katago

Qawlna uma haysto

Qaybaha aduunyada inuu

Qayb kastaba gaadho

Kugalyaaye qumanaan ambaa

Qasab kujiidhyaaba

Qaac igama saarnee qunyari

Qawlka ila qaata

 

 

Waliid binu muqiiray markale

Qac ugu baaqeene

Mid qodbeeya hadalkuu ahaa

Qaybta uu gale

Qumanaan iguu ugu fikiray

Qodobku gooyeene

 

 

Qodobkii marku qaatayuu

Socodka siiqaaday

Qasadkiisu meeshu ahaa

Qoobka lahaleelay

Maku qayay su, aalaha qiyaas

Qoomku uuqoraye

 

Qumanoow udgoonana markuu

Hadalka sooqaaday

Qur, aankii ilaahay markuu

Sawdka ugu qaaday

Qalbigiisa dareenbaa galoo

Qayba ka asiibay

Maqiraynse quraankani ilayn

Qoombaa soodiraye

 

 

Qiyaastii intii saarayuu

Qalad ufiir fiirshay

Waa sixir dareen dheer qalbiga

Qayba hananaaya

Ayuu qawlkusoo koobayuu

Qalad kusheegaayay

 

 

Intaasoo qiyaasa ah dhammaaan

Qawlal kaan tiriyay

Maqodbaynin qasadkii mudnaa

Ee quraankaniye

 

Quraankani ninkii qaata ee

Qaadir ku adeeca

Kuma qado aduunyada anbaa

Qaybta aakhira e

Qalbigaa udega qaadirbaana yidhi

Kuma qasaaraysid

 

 

Habka socodka looqaada iyo

Hadal qiyaastiisu

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaahdayda

Qaladbadan dhammaan hadal qariban

Qawlka naga reeba

Quraankeena weeyaan hadaad

Qiri odhaahdayda

 

 

Qumanoow udgoonana inaan

Qawlka ku adeecno

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaahdayda

Qamarkani iftiimana inuu

Qolal uguur guuro

Qur, aankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaaahdayda

 

 

Qoowmkii fircoon iyo dhammaan

Qaw mamkii hore

Kuwii qaadir diidiyo kuwii

Qirayay diintiisa

Qubuuraha kuwii caabudiyo

Qawmkii nabi saalax

Qisadii balqiisiyo siday

Qawmka ugu baaqday

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaahdayda

 

 

Carabkeenu qawlku yidhaah

Qaybkastuu galaba

Inu qoro raqiib iyo catiid

Qaadir baa yidhi

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaaahdayda

 

Qiimaha inuu qaarka dhigo

Qaarna darajeeyo

Inu qaarna qosolka ufasaxo

Qaarna murugeeyo

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaahdayda

 

Qaabka dhaxalka loo qaybiyee

Quruxda aad yaabto

Iyo qaabka qaybta u udhigay

Qaali nimadiisa

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaahdayda

 

Quraankoo qushuuc lagu daroo

Qiira nagu beera

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaaahdayda

 

Qaala yaquulu qul

Qawlka laga waayin

Quruun hore wixii dhacay iyo

Qaybka iman doona

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaahdayda

Qiyaamaha inaa lagu qisaasi

Qalad dhammaantiiba

Inu qaar janayn doona uu

Qaarna qaban doono

Laqisaasi qadarkay dulmeen

Way uqalantaaye

Quraankay kutaalaa hadaad

Qiri odhaahdayda

 

 

 

 

 

                   prof.c/fataax daahir cige

                            This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

 
< Prev   Next >

Soo dajiso flash sa u aragtid