|
Dhibaatada Nolosha Lamaanaha qaybti 4 |
|
|
|
|
Written by Administrator
|
|
Wednesday, 21 May 2008 |
Dhibaatada Nolosha Lamaanaha Qaybtii 4aad Hidaysiga dhaqanka wanaagsan ee ka dhaxeeya lamaanaha oo haboon in ay mar walba noqdaan dad isku wanaagsan hadii ay meesha ka baxdo waxaa timaada qalafsanaan iyo ad adayg dhibaatadaasna waxay sabab u noqotaa in meesha uu yimaado is fahan la` aan iyo is karahsi iyo ayadoo aan la isku sifayn kalgacalka iyo ixtiraamka iyo qiimaha lamaanaha mid walba kan kale uu u qabo oo ah arin muhiim ah oo fiican mar walbana in ay dadku caadaystaan ahna caado wanaagsan . waxaa jirtay (Qiso Cajiib ah )!!!!! Habeen habeenada ka mid ah , ayaa waxaa dhacday laba lamaane ayaa waxay fadhiyeen daarada ama soomaaligu isku wada fahan ma ahee meel aqalka ka mid ah oo lagu caweeyo oo dusha ka banaan, waxay ahaayeen laba qof oo aad iskugu wanaagsan oo is jecel laba qol oo guriga ka mid ah waxaa ku jiray laba qof oo lamaane ah oo ayagu markaas isku ad adag oo aan isku cabirin jacaylkooda oo midba kan kale uu jikaar iyo ad adayg uun u muujiyo, hadaba Qisadu waxay ka dhacday labadii qof ee isku wanaagsanaa ayaa sheekaystay waxaana maqlaayay lamaanihii kale ninka ayaa maqlaayay . habeenka waxuu ahaa habeen (cado ah) oo dayaxu 15yahay markaas labadii isku fiicnaa ayaa ninkii yidhi heblaayooy ma aragtaa (Dayaxa) si qabow oo naxariis ku jirto oo aan jikaar iyo meelkale u carar ahayn ayay ugu jawaabtay haa waan arkaa, markaas ayuu ku yidhi adiga ayaa ka quruxbadan , aadbana way ugu faraxday , Marka uu hadalkaas dhexmaray lamaanihii fiicnaa ayaa waxaa maqlay lamaanihii kale ninkii , habeen habeenada ka mid ah ayay is raaceen ayagoo alaab soo iibinaaya lamaanihii isku ad adkaa kadib markay dhexda marayaan ayuu ninkii arkay dayixii, waxaa qalbigiisa ku soo dhacay hadalkii wacnaa ee uu ninkii kulahaa lamaanihiisa , kadib waxuu is yidhi haweenaydaada u cabir oo ka farxi waxuu ku yidhi heblaayoow ma aragtaa dayaxa , ileen waa dad ad adayg iyo jikaar ukala bartee, ayaduna intay soo booday ayay ugu jawaabtay ( oo ma waxaad ii malaynaysaa in aan indha la ahay) dabcan waan arkaa , ninkii islaameed hadalkii ayaaba ku dhagay wax uu naxariis gudbiyo iska daaye, Waxaan uga socdaa in lamaanuhu ay isku dhibriyaan mar walbana jacaylka isku cabiraan oo ay ixtiraam iyo hadal macaan ku wada hadlaan oo midba hadalka kan kale u dooro hadalba kuu ka macaanyahay dhibaatadaas ayay xal u tahay ma fiicna lamaanuhu in ay mar walba caksi isku noqdaan waa dhibaato dadkeena haysata, arintaasi saamayn wayn ayay ku leedahay dadkeena somaaliyeed intooda badan. Tawfiiqda allah ayaa iska leh La Soco Qaybta 5aad By Dr Farduus A.rahman Ibraahim Email:-
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Egypt Cairo |