Maansadii(ayaa kuu roon runyahay?) PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Wednesday, 21 May 2008

maansadan waxay daba socotaa maanso hore aan ugu bahshay website yada oo uu magaceegu ahaa ayaa been yahay kudila?wuxuu caqliga bini.aadamku tilmaamayaa marka latilmaamo shay inay munaasab tahay bedelkiisiina inaa lahelo maadaama aan maansadii hore kga hadalnay khasaaraha beentu leedahay waxaa lagama maarmaan noqotay inaa laga hadlo faa,iidada runta kolay mansadani maaha maanso dheer oo sidii loobaahnaa iniiga haqabtiri karta mawduuca laakiin waa isku day aragti kasoo fushay maxkaxdayda gaaban waatan maansadii


Ayaa kuu roon run, yahay?



Rabbaa kuu roon runeey

Rasuulka ayaa kujecel

Raxmaanka ayaa nayidhi

Runbaan niga doonayaa

Ribaan nii diidayaa

Riqiis kaan niinacaa

Runtaan rukni niiga dhigay

Anaa raaliya ninkii

Ruuxdiisa ka dhaadhacshee

Rajada kaligeed kadhiga



Waxaa kuu roon runeey

Rafaadka markii lagalo

Ninkaan kaa ruqaansanayn

Runeey kii fala warkaa

Raaxaa lagu waariyaa

Raayaa qaad laga yidhaa

Rashtaa loodaadiyaa

Aduuse ninkii kuraba

Karoorin agtaada oo

Aduu riya kugu dhisaa





Ninkii kaa reebanee

Ridaaya kobtaad kutaal

Miyuu reerkii degaa

Riwaayad ninkii wadee

Rakaabsi khiyaama wada

Miyuu roobku uda,aa





Waxaa kuu roon runeey

Ninkii waligii kuraba

Rablaynta ninkii ka taga

Ninkii raysamaalka raba

Raxmaanka ninkii yaqaan





Waxaa kuuroon runeey

Risaala ninkii wadiyo

Ninkii raadiya xaqiyo

Ninkii raadkaaga gura

Riyaaga ninkii ka taga





Waxaa kuu roon runeey

Rooxaanta ninkaan lahayn

Ninkii kula raba heshiis

Raasbaan wada nahay lahayn

Runtuu dadka fari lahaa





Waxaa kuu roon runeey

Ninkii runta sheega.ee

Runtuun ku jawaaba,oo

Adaa run uhaga ninkaa

Halkii run badbaado taal





Waxaa kuuroon runeey

Ninkaan iga ruub war odhan

Dadkana iga reeba odhan

Raxmaanka ninkii yaqaan

Ayaan rajadaada burin





Runeey iga raali noqo

Runtaadii waan dhignee.

Aduun rays kaagu bi, in

Aday raxmadaadu gu, in

Adaa raga kala baxshoo

Rijaal iyo raran kadhiga

Ra, yiga adigaa qurxiya





Fiqiirka adaa urara

Markuu ruux fiican yahay

Markuu midku raacda helo

Markuu raaliya udhaxo

Rafiiq adigaa kadhiga

Rumaanka adaa udhiga





Markay isku roon yihiin

Runtana kaa sheegayaan

Rarkooda adaa uxidha

Reerkooda adaa ufura

Rayn raynta adaa horkaca

Markii runta laga run helo





Markay runi ay run dhalin

Runtana lagawada tagee

Runlaawe dhulkii qabsado

Rumaysigu uu burburo

Runeey dadku uuyidhaa

Hadaan runta laga hadlayn

Sidee runta loohelaa

Runeey kuu raadiyaa

Runtii runa lagu gartaa

Run sheegana loo helaa

Bartii runa lagu degaa

Sidii runa loosocdaa

Runeey lagu raynayaa

Runeey naga raali noqo

Hadii runta laga hadlana

Runeey waan kaa tagnee







prof.c/fataax daahir cige

This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it

cairo

 
< Prev   Next >

Soo dajiso flash sa u aragtid