|
Miyaad itaqaaan Anoon ku oqoon Sideed iitaqaaan Qof aanad oqoon Maxaad kataqaan Kumase aqaan Nin aan is-naqaan Ayaa kuyaqaan Hadaad wax taqaan Ayaa kuyaqaan Ninkaan wax oqoon Naagtiisaa taqaan Sideeda oqoon Allaa uyaqaaaan Kolayse oqoon Dad ugama taqaan Sidaad utaqaan Dadbaa uyaqaaan QAYBTII LABAAD OO WAQTI KALE AHAYD QAAFIYAD AHAANA KADUWAN Nin aan tol ahayn Haday tala baahday Tashwiishyar yimaado Waxaale tusaale Ninkii tix yaqaana Hadaadse tabmooday Inaa tiblaqaato Tun maanso anaa leh Tagoogta ilaasho Anaa kutixgalini Kutaabsani maayo Hadaad tir tirfooto Tafiir go, waxkeena Tufuudaa kuqaadi Intaan hadal tuurin Wanaagu tasoobin Yarkoow taaha daa Ha-tiigsan warkayga Tiraab haku deeqdo Hadaan tirsigaygan Talaabada joojin Tolkaa uyaboohso Ambaa dirso taarka Tashada gabigiinba Wax toobaya miiga Tamceeya libaaxa Tareen qalibaaya Tiriiga bakhtiini Saw sootabinmaayo C/FATAAX DAAHIR CIGE
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
CAIRO Aragtida djibnews Kama Turjumayso Fikrada Qoraaga |