|
Dhibaatooyinka Nolosha Lamaanaha |
|
|
|
|
Articles
|
|
Written by Administrator
|
Dhibaatooyinka Nolosha Lamaanaha Ma jiro (Qoys) aanay la soo gudboonaan dhibaato iyo is maan dhaaf , lagama waayo arintaas lamaanaha dhexdooda si kasta oo ay u dabeecad wanaagsanyihiin oo ay u sabir badanyihiin oo ay iskugu kalsoonyihiin oo ay iskugu niyad sanyihiin waxaa laga yabaa in ay yaraato dhibaatoyinka ka dhex dhici kara marka ay intaasi jirto laakiin lama odhan karo khilaaf ama dhib way ka macsuum yihin oo waa iinsaan wa ibn aadam , oo lama odhan karo waa ka bari in uu mar uun si uu ku yimaadaba is fahan la aan ama shaydaan ka faaiidaysta ama qofku waa ibn aadam wuu qaldamayaa si uunbay u dhici kartaa,gabadhna yay is odhan ninkaagu sideebuu kugu qaldami karaa nin yuu is odhan xaaskaagu way fiicnayde seebay u qaldamikartaa waa ibn aadam khaladkana allah iyo malaaiigtiisa ayaa ka macsuum ah ibn aadam wuu qaldamayaa taas waa in la is hor dhigaa mar walba. Dhibaatada 1 - aad ee ugu wayn waxay ka dhalataa ninka reerkooda ama gabadha reerkooda, Waa in ay ogadaan lamaanuhu in labada waalid dhinac kastaba ay yihiin sababta ay maanta ku joogaan ee ay ku heleen wanaaga raaxada iyo daganaashaha reerkooda in ay ayagu u sabab ahaayeen oo gabadh walba iyo wiil walba ogaadaa in uu helo gabadh wanaagsan oo si fiican loo barbaariyay edab iyo akhlaaq leh allah ka sokow ayay sabab u yihiin labadaas waalid waa in uu wanaajiyaa markaas gabadhkastaa waa in ay ogaato in ay heshay wiil dhalinyaro ah si fiican akhlaaq iyo diin lagu barbaariyay oo u wanaagsan in uu yimaado aduunka oo ay hesho ay allah ka sokow sabab u yihiin labadaas waalid markas waa in la ixtiraamo oo madaxa dushiiisa la saaro oo ehelka iyo qaraabada ninkaaga ama xaaskaaga ay karaamo iyo ixtiraam kaa helaan iyo qadarin. Dhibaatada 2 -aad waxaa weeyaan waa in ayna hooyada inanta dhashay ayna dhex galin arimaha khaaska u ah lamaanahaas oo ayna ka talin soona dhex galin waalidnimo iyo nasteexo iyo wanaag way ka mudanyihiin laakiin in ay taladooda dhex gasho iyo arimaha khaaska ah waxay ku keentaa dhibaato aad u wayn lamaanaha. Waxaa wanaagsan gabadhu in ay ninkeeda ku qaabisho rayigeeda iyo shakhsiyadeeda taas waxuu ka helayaa ninkeedu kalsooni aad u buuxda waxaa waajib ah gabadhu in ay xifdido siraha ka dhaxeeya ninkeeda oo ay ilaaliso sidoo kale in wada tashi jiro oo aan qofna la soo diri karin mana fiicna oo dhibaatooyin badan ayaa ka dhasha qofka oo qaata talo qofkale kuna socda kalsooni doro ayay ku ridaa lamaanaha labada dhinacba waa laga rabaa arintaas. Dhibaata 3- aad ayaa waxay tahay in uuna ka tagin oo aanu fursado siin ninku xaaskiisa, tusaale ahaan lama fadhiisto mar marka qaar asagoo jecel la sheekaysigeeda asagoo xiiso u haya qadarinaayana, qof walbana waa in uu ka fakaraa dhibaatada ka imaan karta arintaas ducada in aan la ilaabin mar walba in allah uu dhibaatada ka ilaaliyo uuna dhexdooda amaan yeelo iyo nabad iyo rayn rayn.
la soco qaybta 2aad insha allah by Dr Farduus A.rahman Ibrahim Email:-
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|