Jacaylka Walaalaha Wada Dhashay PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 11 May 2008
Sideebaynu iskugu soo dhawayn karnaa walaalaha qalbiyada alaalaha wada dhashay
walaaltinimada aynu ka hadlaynaa ayadoo ay tahay walaaltinimada aabe iyo hooyo ay wada dhaleen laba qof ayaa waxaan qeexaynaa

 
1 - Walaaltinimada inta ay u kala baxdo intaynaan dhex galin
 
 
2 - Walaaltinimo allah dartiis ah oo diinta lagu walaaloobo
 
 3 - Walaaltinimo xaawa iyo aadam ay dadka wada dhaleen oo walaalo halkaas laga yahay.
 
 
Walaaltinimo aabo iyo hooyo wada dhaleen ama isla naas nuugtay
waxaan ka hadlayaa anigoo aan hadalka badinayn sideebay quluubta walaalaha wada dhashay jacayl ugu beermi karaa
wakhtiga ilmaha yar uu garaadsado ee caqligiisu taam noqdo da`ahaan intu doono ha leekaadee ayay ka bilaamaysaa
waxaana u haya waalidka ubadka dhalay ee korinaaya ama dadka markaas haya ee kafaalo qaaday korintooda
 
Rasuulkeena (CSC) waxuu arkay nin lahaa laba caruur ah oo wiilal ah kadib mid ayuu mucaanaqeeyay yacnii laabta ayu laabta u saaray midkii kalena wuu ka tagay kadib suaal ayuu) Nabiga csw) waydiiyay waxu yidhi ma waxaad kala fogaynaysaa labadooda.
Ubadka si u wada jecloow oo u wada xanaanee hana ilaabin in aad sinto oo aad u samayso marka aad mid wax usoo iibiso ama si fiican u salaanto kan kalena in aad sidaas u yeesho in aad ubadka dhexdooda cuqdad ku beerin ee aad isku amaanto mar walbana is jeclaysiiso walaaltinimadu waa wax qaali ah waxaa loo baahanyahay dadka walaalaha ah in ay aad isku jecladaan ayna is xaal ogadaan waxaad arkaysaa dad walaalo ah oo midna bakhtiyaayo gaajo midna daaro waa wayn iyo aduun haysto marka aad xoolo leedahay walaalkaana eeg oo u gargaaro oo garabkiisa istaag ka ilaali in uuna cuqdad qaadin oo garab qabo walaalo waxaa lagu yahay inta aduunka la joogo .
 
 
 
 
Waxaad ogataa waalidka ubadka dhalay in hadii aad ubadka kala jeclaato oo aad midna gaar wax ugu keento gaar u qaabisho midna aad u yeelin in aad waraabisay geedkii cadaawada dhexdoodo markaas iska ilaali taas waalidka ayaana u sabab ah dhibtii ka timaada arintaas (Rasuulka CSW)u cadaalad sameeya ubadkiina sidaad u jeceshihiin in ay idiin adeecaan idiinkuna dhibriyaan hadalka .
 
 
iska ilaali in aad midka wayn u keento maryo cusub iyo ciyaaro kan ka yarna aad siiso tii duugoowday ama dharkii ka yaraaday kan waxay dhalisaa cadho iyo kala dambayn la aan iyo cadaawad ubadku waa amaano ee hala ilaaliyo sidii geedka loo toosiyo ee looga so baxo amaanadaas ayuu ku waynaan ana ajar ayaad ka heli oo masuuliyadii waad ka soo bixi ama waad ku fashilmi doontaa iska ilaali arimaha qaar keeni kara dhabar jab iyo mustaqbal aan wanaagsanayn oo ka dhex dhici kara caruurta dhexdooda dambigaasna adiga ayaa qaba .
 
 
Walaaluhu ha is jecladaan hana is gacan qabtaan waa wax nolosha horu socodkeeda iyo bulsho dhamaanteedba u ah muhiim waxaad xasuustaa oo aad akhridaa dhibtii ka dhex dhacday qisadii( Nabi Yusuf CS)iyo walaalihiis .
 
 
intaas ayaan ku so gaba gabaynayaa insha allah
inta wanaagsan waxay ka ahaatay xaga (Allah) intii ka soo hadha waa (Aniga iyo Shaydaan) cafis iyo raali insha araxmaan
by Dr Farduus A.rahman
email:- This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
Egypt Cairo
 
< Prev   Next >

Soo dajiso flash sa u aragtid