|
Qabiilka iyo Qabyaalada Qabiilka waxaa laga wadaa si uu qofku u fahmo (in qofku uu leeyahay fimaly u |
|
|
|
|
Written by Email:-maqsuud202@hotmail.com
|
Qofkii garanaaya quraanka kariimka ah macna ahaan ( allah waxuu yidhi waxaan idinka dhignay bulsho rag iyo dumar waxaan idinka yeelnay qabiilo si aad iskugu garataan waxaana idiinku karaamo badan kiina cabsida allah u badan) qabiilku waa wax jira oo waa in la isku garto dadkana waxaa allah agtiisa khayr iyo jacayl iyo karaamo ku leh qofka ugu cabsida badan ee allah ka cabsiga badan sida uu allah ku sheegay quraankiisa .
Qabyaaladana waxaa la yidhaa qabiilkii oo si xun loo isticmaalo oo aan ahayn sidii allah swt u dhigay oo aayada quraanka ah ee allah caksi loo isticmaalay ama tusaale ahaan la yidhi dhulku waa cirka cirkuna waa waa dhul habeenku waa maalin maalintuna waa habeen madaxu waa mijo mijuhuna waa madax .
qabiilka hadii si xun loo isticmaalo oo aan ha la isku garto ahayn waxu keenaa dhibaato aad u wayn somaalia dhamaan waxa dhibaatada u keenay ee maanta cadawgeed u jabiyay waa qabyaalad waxa maanta dhiigii somaaliyeed u daatay ee uu uga fududyahay koob biyo ah oo dhulka ku daatay ruuxdiina ku noqotay raqiis waxaa weeyaan qabiil waxa maanta caruurtii aabo tiray oo hooyo tiray oo darxumada ugu wacan waa qabiil waxa maanta dalkeenii loo aqoonsan wayay waa qabiil waxa dad badan ku rida sino waxay hoos imaanaysaa qabyaalad taas waxaan uga socdaa dad badan oo islaam ah oo rag iyo dumarba iskugu jira ayaa waxaa loo guursan wayay ayadoo qabiil lagu diidaayo markaasna lagu yaraysanaayo oo qabiilkaas reer hebel aanlaga guursanayn waxaa xun oo wax aan la guusan ah qofka aan allah aqoon diin lahayn dadnimo lahayn garasho lahayn salaad tukan ayaa runtii wax la naco oo la yidhaa qofkaas sifaadkaasbu leeyahay ee inaga daaya waxaad arkaysaa gabadh hadii ay tidhaa wiil ayaan la sheekeestaa suaasha kobaad ee la waydiiya ma aha maxuu yahay wiilka akhlaaqdiisa diintiisa ma tukadaa .
Waxuu noqonayaa suaasha lagu waydiiyaa oo waayo markaa tidhaa waa qolodaas( aa aa) inaga daa qoladaas ma fiicnee hada lagu odhan maayo asagu ma fiicna mida kale hadii ay ka dhadhiciso in uu yahay qof wanaagsan suaasha ku xigaysa waxaa weeeye maya maya meel fog ayuu ku dajinayaa ee inaga daa ma jeclin qolodaase subxanallah sidaas darteed dadkaas loo diido in ay guursadaan dadkoodii ay isku afka isku diinta ahaayeen ee ay isfahmayeen lagana yaabo in uu ku dhaco sino iyo waxyaabo xun xun oo diin iyo dhaqanba ku lid ah Hablo ayaa sida dadka waal waalan la xidh xidhay oo timihii laga jaray iyo sunyihii oo loo duleeyay calashaan nin aan qabiilka la rabo ahaynbay keentay yaa subxanallah. Waxaan dalkeena ku sheekaysanay gabadh(qabilada la yaso ah ) gabadhaas waxaa la igu keenay in ay xine ii mariso kadibna si wacan ayaan u waraystay waxanan ula sheekaystay si wanaagsan waxanan isla soo qaadnay dadka la yaraysto waxay iga sheekaysay qiso aad layaab u leh oo inan iyo inan is jeclaaday oo midna u ahaa dadka la yaraysto ee ( la yidhaa midgaha) inantuna ay ahayd inan isaaq ah kadib la isku diiday oo la yidhi in aan qudha kaa jarno iyo in aad inanta noo daysid ayaduna waxay tidhi intii qudha laga jari lahaa iska daa oo halkii lagu kala kaxeeyay inantii ugu dambayntii waxaa la siiyay nin itoobiyaan ah oo gaal ah bal u fiirso waxaa loo diiday inanki islaamka ahaa ee dhiiga iyo luqada iyo dhaqankuba mid ka ahayeen waxana la siiyay gaal xun oo balag leh (subxanallah).waxaan ku soo gaba gabeeyay taas inaal ilaah wa inaa ilahayhi raajicuun waxaa midgaan iyo wax aan la arag ah qofka allah ka fogaaday ee aan diinta haysan iyo kan aan salaada tukan iyo kan aan diinta allah iyo cabsidiisa aqoon.
Qiso kale aniga ayay igu dhacday oo waxay ahayd inan show ah dadka la yaso ayaan diinteeda iyo dadnimadeeda ku raacay oo aan isku baranay dalkii kadib maalin ayaan is raacnay waxaaba suuqii ii gashay Ina C/raxmaan reerkooda waanu naqaane ma waxaa dhalay qolodaas mise waxaa lagu meheriyay wiil midgaan ah talow halkay iska soo galaan cajiib!!!!!!! dad lala saaxiibo karo miyaanay ahayn ayaan is waydiiyaa dad islaam ah oo ruux ku jirto la fahmi karo oo inala diin dhaqan hadal iyo midaba ah oo ina hebel ah ,waa yaabka yaabkii caqli yaraa inantii ila hadana waan xidhiidhiyaa allah agtiisa lagu kala sharaf badanyahay janada ninkii ka soo xaadiri waaya iyo ninkii allah agtiisa laga waayo aakhiro ayaa wax la naco ah , subxanallah .
Waxaa la iiga sheekeeyay dadka ku nool dalalka dabada oo la rabay in maanta ay iska dayaan qabyaalad oo markii ay arkeen dadkii oo aan la midab ahayn la dal ahayn la af ahayn oo ay ku yihiin qaxoonti kama hadlaayo dalalka islaamka waayo dal islaam hadii aan joogo uma arko in aan joogo dal shisheeye inkastoo uyahay hadana way kala yihin markaad tahay somaali madaw ah oo qaxoonti ah oo gaal gacanta hoos dhigtay ayadoo taas duli iyo quusasho kugu filantahay miyay tahay in qabyaalad lagu dhaqmo sow in la is uruursado oo si wacan loo dahqmo oo jacayl dadka ka dhaxeeyo oo la midoobo ma ficnayn waxaa la iga sheekeeyay in dalka Canada ay jiraan dad isku laayay qabyaalad oo waliba waxay isku layeen masaajidyo qabiil hebel ayaa leh iyo kan ayaa leh oo salaadihi qof walba ka qabiilkooda leeyahay ku tukadaan kadibna dhib wayn ka dhalatay sasna loogu qabtay nin allah caqli yaraa umadaan samanka joogtaa waxaan la tacajubay ninka heshiiskooda u doodaya uuyahay Yahuudi subxanallah halkee aqalkii allah la iskugu laayay oo waliba uu u noqday doodihii (Yahuudi ) waxaa ina gaadhsiisay qabyaalad , qabyaalada somaali maanta halkay ka gaadhay waad yaabaysaa . Dhibaatada kale ee qabyaalada ina gaadhsiisay awal waxaa qabiil ahaan lagu yaraysan jiray dad gaar ah oo ama yar tiro ahaan ama ayba dadku iska gumaystaan allahbaa ka xisaabin doonee imika laakiin jilib jilib hoose iyo dadkeenii oo gobol gobol iyo qoladaas maah maah ayaa tidhi saas markaa inaga daaya waxyaabihii saxda inta laga tagay meeshaas ayay maraysaa oo qoloba qolo ayay ka boodaysaa ilaa ciyaalkii yar yaraaba lagu barbaariyay oo ku odhanaaya reer hebel waa cadawgayo reer hebelna waanunahay reer hebel waa reer saas ah oo ubadkii la rabay in islaam iyo qabiilka isku garta ahaan loogu barbaariyo ayaaba si qaldan oo cagsi ah loo siinayaa waa daawo loo isticmaalay si qaldan oo kale allah ayaa bad baado aan waydiisanayna aaamiin.
Culumo awdiinta iyo dadka caaqiliinta ah way ka hadlaan intaas waxba se laguma qaato ee allah yaa badbaado laga helaa allah ha inaga bad badiyo hana inagu sugo xaqa iyo jidka toosan inta qabiil lagu jeedo hami sare iyo hadaf kale in aan xaqiijino ayaa haboonayd alloow noo naxariiso oo umadaad xaqa ku sug aamiin.qabiilka hala iska daayo waa caqli yari iyo maan gaabnimo waa jaahilnimo iyo duqonimo waa fakar gaabni iyo hadaf la`aan walaalo ayaa la yahay isku diin isku dhaqan iyo hadaf isku midab qofka aad nacayso ku nac diin la aan dadnimo la`aan salaad la `aan macaasi iyo xumaan u sameeyo maskaxdaada fur caqligaaga ka shaqaysii allahna taladada u dhiibo hala fakaro dadkaygoow . Intaas waxaan ku soo af jarayaa fikirkayga gaaban qabyaalada oo aanay fari ka qodnayn dad badana ay ka hadleen runtiina rabi uunbaa laga helaa hidaayo inta wanaagsan waxay u sugnaatay (Allah) inta ka so hadhay wanaag waxay ka ahaatay (naftayda iyo shaydaan )cafis iyo raali ayaan dalbanayaa insha araxmaan by Dr Farduus A.rahman Ibrahim
Egypt Cairo |