Ubadka somaaliyeed guud ahaan waxaan jecleestay in ka yar hadlo waxyaabaha gaar ahaan waxyaabahaan ku soo arkay (Dalkeena ) intii aan dalka ku soo arkay badankooda ubadka somaaliyeed ee ku dhaqan dalka iyo kuwa dibadiisa meelo badan oo ka mid ah ku nool waxaa haysata dhibaato aad u wayn oo ay caalamka kale kaga duwanyihiin guud ahaan marka loo eego caruurta somaaliyeed 10% lama odhan karo xanaanadii iyo daryeelkii caruurnimo si fiicanbay u heleen. Ubadka somaaliyeed Ma haystaan daryeel waalidnimo dadkeena somaaliyeedna ma fahansana masuuliyada ubadka waa la dhalaa mooyee intooda badan ma yaqanaan daryeelkooda iyo xanaanaynta ubadka iyo doorka ay kaga jiraan bulshada ubadku waa nimco uu allah inagu manaystay ama inagu galadaysta runtiina boos wayn kaga jira bulshada ahna jiilka badbaadada iyo horu socodka hadii aan la hagaajin oo aan kaalintooda si fiican looga soo bixin ma helayno jiil cusub iyo bulsho toosan toona Ubadka somaaliyeed lama barin akhlaaqiyaadka wanaagsan oo laguma korin jacayl iyo ixtiraam iyo kala dambayn . Hadaba waxyaabaha aan kusoo arkay dalkeena waxaan soo arkay ubad markay aabahood oo laabka ka soo laabanaaya arkaan cararaaya oo luuqyo kala galaaya taas waxaan uga socdaa ubadka waxaanu aabuhu siinin kalsooni buuxda oo jacayl ayaanu ku abuurin mar walba oo ay arkaan wuu ku qaylinayaa hooyadood rabshad kasta iyo dhib kasta oo timaada qaylo iyo cay iyo kala dambayn la aan oo aan ka jirin waalidka dhexdiisa ubadkiina ku sifoobayaan sidaas, ubadku hadii ay qaldamaan si dhib yaroo xikmadaysan u xalin maayo dhibaatada ee dharbaaxo iyo dil ayuu kubilaabayaa taasi waxay sabab u noqotay in ubadkii markay aabohood arkaan ay ka cararaan oo war war ayay ka qabaan in uu ku qayliyo ama dilo saas darteed reerku wuu kala wada dhuumanayaa marka gadhiga aabo ama uu laabka ka soo laabto waxay keentaa dhibaato aad u wayn oo ah in ilmaha yar uu ka qariyo waalidkii wax walba oo uu soo sameeyo waayo kalsooni kama haysto waalidkii oo wu ka baqayaa laakiin hadii u siin lahaa waxaad arki lahayd ilmahaga oo farxad walba iyo dhib walba ku sheeganaaya aadna si xikmadaysan ula xalinayso taas waan ku arkay somaalia waxaa la doonayaa hooyo iyo aaboba in ilmaha yar u xiiso tusaale ahaan marku imaan jiray aabuhu 12:00pm hadii uu yimaado 12:05pm waa in shantaa daqiiqo xaaskiisa iyo caruurtiisaba ku waynaato oo ay farxad iyo waji furan kuso dhaweeyaan oo dhahaan walaahi aabo maanta 5daqiiqo ayad habsaantay waanu war warnayba oo waanu ku xiisnay aabo so dhawoow oo mar walba ah . Waxaan kale oo ku arkay walciyaadu billaah oo aan aad ula tacajubay ubad waalidkood maagaya oo u tirinaaya oo caayaya subxanallaah waxaan arkay gabadh inanteedii yarayd oo aan ku qiyaasay ilaa 5jir sidaanu u joognay ayay ku tidhi kalmad aad u xun oo cay ah kadib waxyar hadii aanu joognay waxay inantii yarayd ku tidhi hooyadeed ( tuu) iyo caydii ay markii ku lahayd waan argagaxay markaasbaan soo qabtay inantii yarayd oo aan ku idhi habaryar intaan madaxa ka dhunkaday kaalay hooyadaa macaan maxaad u cayday waa ceeb habaryar oo waalidka lama caayo waxay igu jawaabtay ayaduba way na cayday subxallaah ,laakiin anigu lamaan yaabin inanta yar ee waxaan la yaabay hooyada wayn ee saas ku leh ubadkeeda waxaa wanagsan in ubadka loo noqdo tusmo iyo ku dayasha wanagsan . Waxaan soo arkay caruur aad dariiqa ka mari karayn oo ku shiidaysa oo ku caayaysa oo waxaan arkay caruur aan ixtiraamka la barin oo dariqa taag taagan oo usgaga iyo foolxumada darxumada ka muuqata aad ubadba u nacaysid oo reeraha shiidaya . tii ugu darnayd ee aan soo arkay waxay ahayd markaan arkay inan yar oo qiyaastii ilaa 12-13 jir aan ku qiyaasay oo sigaar iyo jaad cunaya oo hablaha waa wayn la sheekaysanaaya oo sida raga wa wayn u hadlaaya oo isla quman subxanallah oo aad moodo in ayna hooyo dhalin aabo dhalin oo la helay . Ubadka somaaliyeed intooda badan waxaad arkaysaa caruur aan daryeelkii Nadaafada wanaagsan haysan laakiin markaad aragto aragiisa aad is odhanayso ilmahan waxu ka dhashay reer lacag leh oo dushisa aad ka subkanayso . Ubadka somaaliyeed waxaad arkaysaa ubad cuqdad hayso oo nacaybka ka dhaxeeya aad yaabayso oo giftaas uun isku haya oo meel walba isku haysta oo hadana walaalo ah sababtu waxay tahay ubadka ayaa waalidku kala jecelyahay midna wuu amanaa mar walba waxbuu usoo iibiyaa midna wuu dulaystaa ubadkaaga adiga dibjir iyo mudeecba ka dhigi kara waa sidii aad ula dhaqanto waxaa waxaana wanaagsan in ubadka dhexdooda lagu barbaariyo is jacayl kala dambayn oo ilmaha yar marku ilmaha kale dhasho waxu u arkaa in laga qaaday hooyadii oo laga jeclaaday oo cadawyar gurigii u soo kordhay markaad dhinaca kale ku qabato ee aad madaxa ka dhunkato ee aad asna jacayl u muujiso ee aad kaxayso oo tidhaa ( hooyo walaalkaa midabkeebaad la jeclaan lahayd oo aan u qadaa bal walaalka wax u soo door ) jacayl fara badan iyo kalsoonibuu qaadayaa iyo in uu walaal u soo kordhay wuuna jeclaanayaa isku amaan caruurta markay caqliyaystaan oo dheh (hooyo walaalkaa hebel aadbu ku jecelyahay kan kalena sido kale ku dheh si ay u dareeemaan jacayl fara badan oo ayna marna ku fakarin nacayb. Waxaa jirtay qiso layaab leh oo ka dhacday dalkeena in hooyo ay jirtay caruurteeda kala jeclayd oo kala amaani jirtay mar marka qaar ilmuhu waxu ku fakarayaa malaa adiga laguma dhalin ee waa lagu soo helay qisadan waxay ku dhacday laba caruur ah oo walaalo ah hooyadoodbaa kala jeclayd midna waxbarashada waa lagu saacidi jiray oo waxu rabo waa loo samayn jiray midna waxba looma qaban jirin labadooda waa la isku caayi jiray oo hebel ayaa fariid ah hebelka kaa fiican allah ma hebel oo kale caruurtu waxaas cuqdad ayay ka qadaa kadib midna waxu noqday dibjir vidioyad gala oo budhcad ah midna mutacalim wuu dhoofay oo wu shaqaystay kii loo roonaa kadib dalka ayuu kuso noqday markaas ayuu ileen waa la nacsiiyay walaalkiise uu maalkiisi u dhiibtay ki asaga ka yaraa sidaa darteedna waxaa gadooday oo nacayb ku badan adkaysan kari wayay oo qudha ka jaray walaalkiis kii la necbaa markaa waalidu waa in uu caruurta sinaan u sameeyaa oo aanu kala liidin. Ubadka somaaliyeed meel walba oo ay joogaan lama kala baro wax in ay leeyihiin waxna dadka kale leeyihiin wax uu inanka wayn leeyahay waxna kan yar mar walba waxaa la dulaystaa oo looga qadaa waxiisa kan yar aabo ama hooyo wuu kaa yaryee sii xataa xadiiqooyinka marka la joogo waxaaga ayay isakaga kaa qabsanayaan oo ku ooyayaan markaasbay hooyadii kuleedahay habaryar wuu kaa yar yahaye sii waxaad arkaysaa inyar qurbaha aan u so laabtee marka dukaan la galo oo gabadh wiil wadata oo somaaliyeed iyo gabadh ajaanib ay so wada galaan inanka yar ee somaaliga ah waxu ku dhagaa wax walba oo dukaanka yaal hada looguma soo tala galin in waxaas lo iibiyo nac nac kasta asaga iska leh oo lucbad ama cayaar kaste asaga iska leh halka kan kale ee ajaanibka ah si naxariis leh u waydisanaayo waalidkiis kan somaaliga ah waa oohin iyo ku dhagis iyo u daaya u daaya . Ubad aad u fiican oo waalidka uu si fiican u koriyay oo maasha allah ah way jiraan se waa minorty way yaryihiin oo kuwii daryeel la `aanta ayaa ka batay oo qariyay alloow nagu sug xaqa iyo jidka toosan nagana yeel kuwa masuuliyadooda uga soo baxa si wanaagsan aamiin ilmaha waxaa ugu muhiimsan in uu waalidku saaxiib la noqdo oo uu kalsooni buuxda ku abuuro Nadaafadooda iyo xaaladooda oo dhana la socdo si xikmadaysan ay u xaliyaan dhibaatooyinka soo wajaha dagaalka iyo dilmada waxba ma wanaajiyaan wax in ay haleeyaan mooyee way anfici doontaa intay jiraan way anfici si fiicana waad u goosan geedkii aad beertay ee aad toosisay waraabisay nadiifisay midhihii ka soo baxay bulshadana jiil wanaagsanbaa usoo bixi oo bad baadiya wa billahi tawfiiq . Laguma soo koobi karo qoraal aniguna hadalka markaan qabsado waxaan jeclaystaa in aan ka dhargiyo intii awodayda ah dadka waxaanu rasuulkeena (csw) (yidhi hadal waxaa ugu fiican kii yar ee wax ku tusiya )rasuulkeena (CSW) ayaa tusmo iyo tusaale wanaagsan inoogu filan , waxyaabo badan oo aan la yaabaybaan somalia ku so arkay oo anan qoraal kusoo koobi karin iyo ubadka oo aan soo indha idheeyay bal intaas ayaan ku soo koobayaa wu dheeraaday oo waa lagu daalayaa . Intii wanaagsan waxay u sugnaatay (Allah) intii ka so hadhayna waa naftayda iyo shaydaan , hadal haduu bato gaf iyo dhaliil lagama waayo cafis insha araxmaan. Email -
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
|