aan kubilaabo bisinka hadii uu ilaahay idmo waxaan jeclaaday qoraalkaygan maanta inaan waxoogaa bal isku dayo inaan isdul taago mashaakisha kala haysata dhalin yarta iyo guurka sobobaha ay uga caagan yihiin inay guursadaan waxa ay ka aamin san yihiin guurka bulshadu,, xaqiiiqda guurka, guurku ma mid wax biiriyaa misa waa mid dhib iyo mashquul uhorseeda qofka? guur la,aantu dhibtee ayay leedahay? diintuse maxay kaqabtaa? akhriste ii ogoloow waqtigaaga qaaligaa iyo fakarkaaga in aad ila dheehato waxoogaa ereyadan isku dayga kusalaysan iyo aragtidayda gaaban ee aan kaqabo su,aalahan inta uu ilaahay iga waafajiyo ilaahay waxkastaba markii uu abuurayay waxa uu kadhigay labo, bini,aadamkana waxa uu kadhigay lab iyo dhidig dhexdoodana waxa uu dhigay galgacayl iyo naxariis dareen iyo ilaqabawsi uu midba midka kale kahelo baahi iyo farxad nololeed dabadeed ilaahay inta uu abuuray uun sidaa kuma iloobine waxa uu usameeyay qaanuun ay kudhaqmaan iyo dariiq ay umaraan wada noolaashahooga inaa si,xalaala la isku helo oo dariiqaas lamarana diintu kama dhigin wax buura amaaba bira oo inagu adag kaliya waxa ugu wayn ee qofka waajib ku ah waxa weeyi ogolaashaha waalidka maaha lacag nabigeena(csw)waxa uyimid asaxaabi (xadiis macnihiisu ahaa) waxa uu kuyidhi yaa rasulalaah waxa aan rabaa inaan guursado wax aduunana mahaysto maxaa ila gudboon sidee ayaan sameeyaa?rasuulkeena suuban(cws)waxa uu waydiiyay waxa uuhaysto waxa uu yahay si meher ahaan loogu magacaabo laakiin nabigeenu mawaydiin maxaad siin doontaa xaaskan hadhaw markaad aqal gashaan su,aalihii sidii kolba wax loowaydiinayay asaxaabigii waxa nabigu (csw)ugu soo danbaysiiyay mahaystaa fargal uun!! ufiirso diinteenu sida ay udhawrtay sharafta meherka marnaba kama ay tagin inaa meherka wax uun lagu magacaabo . waxa uu ku jawaabay ninkii yaa rasuullalaah fargalna mahaysto nabigu (csw)waxa uu waydiiyay qur,aanka wax maka taqaanaa haa ayuu yidhi asaxaabigii(rc)wuxuu nabigu kuyidhi inta aad kataqaano bar intaas ayaa meherkeediiya ufiirso akhriste diinteena fudaydkeeda iyo wanaageeda sharfteeda runtii nin bilaa damiira uunbaa dariiqaa soomarin oo macaasi kuhamuuma wax dhiba oo inaga haysta majirto inaan guursano laakiinse afkaarta inagu jirta ayaa ubaahan waa la inagu shubee inaa la inaga shubo ilahay (swt)bini aadamka isaga ayaa utaliya nina ninka kale arsaaqdiisa gacanta kuma hayo tusaale ahaan adiga rabi ku,arsaaqa ayaad leedahay haweenayda aad guursanaysana rabigaa ayay leedahay ilaahay kolkii horeba ku arsaaqay iyadana arsaaqay inigama goynayo arsaaqdiia iska dhaaf taase rabi aaya balan qaaday labada qof ee isku guursata dhawrsani iyo macsiya kacarar iyaga oonan waxba haysan rabi ayaa kadhiga qani oo nimcadiisa kudeeqa ilaahay baana sidaas aayad qur,aana kuyidhi!! macalinkaygii ilaahay ha udambi dhaafee ayaa waxaan waydiiyay su,aal ah macalin goorma ayaa ugu haboon inaan guursado?wuxuu ahaa macalin ilaahay diin siiyay iyo garasho xeel dheer waxa uu iigu jawaabay waxa ugu wanaagsan inaad guursato maalinka aad istidhaahdo naftu rabi ayay caasiyaysaa oo ma adkaysan karto maalinkaas guurso waloow ayaanad waxba haynin ood gaajo dhimanayside waayo rabi ood raali galisid ayaa uwanagsan inaa dartii loosameeyo waxkasta gaajo iyo dadkaan kabaqayaa rabigaa ha uga cadhaysiinin waligaa ayuu igu yidhi!!!!!!!! ilaahaw kuunaxariiso waxaa larabaa kalsoonida intaas leeg inaan rabigeen siino oonan eegin waxa ay indhuhu qabanayaan iyo aduunka hadaba aan usoo noqdo su,aalihii aan soo bandhigee ... guurku ma mid wax kagooyo lebaa misa wax buu biiriyaa?waxaan shaki kujirin in guurku qofka bini aadamkaa uu dhiso dhankasta waana balan ilaahay uqaaday oo qur,aanka kuxusan inuu barakeeyo qofka asaga dartii iyo danbi kabaq uguursada hadii aynu kahadalno waxa ay indhuhu arkayaan oo aan kadhaqaqo waxay indhuhu arkayaan uunbay ilkuhuna gooyaan aan idhaahdee waxa ugu horayn kulmay waa laba qof oo mid walba ilaahay soo arsaaqayay labadodii quud horta waxay kukulmeen dheri qudha taas waxaa dheer ilaahay qof aduunka makeeno illaa haduu keeno waxa lasocota arsaaqdiisii hadii uu ilaahay ubadsiiyo labadaa qof waxaa soo biiraya arsaaqdii uu ilaahay uqoray ubadkaas oo ubadku maahin kuwa laqaybsanaya tii waalidka halka aan uga socdo barakada iyo nimcad uu rabi balan qaadayna waa halkaas ee ay siyaadadu ka imanayso.... guur la,aantu dhibtee ayay leedahay maxayse diintu kaqabtaa?guur la,aantu dhibta ay leedahay maaha mid yar hadii aan kuhorayno nolol ahaan aduunyada qofka yidhaahda guur ayaan kamaar samayaa run ahaan maaha qof hagaagsan saddex arimoodna mid ayuu soo hoosgalaa aragtidayda takoowaad.waa qof ubadheedhay macaasi iyo xumaan ...laba .waa qof aan idhaahdee lahayn dareenkii oo xanuun darteed uga jooga. saddex,, waa qof asagu yidhi aduunya la,aan ayaan uga joogayaa amaba yidhaahda cid aan kaguursadaan waayay oo waa la iidiidaya amaaba waxaan nahay dad layaraysto dadnimadooda deedna yidhaahda waan sabrayaa ..... diintuna inaa laguursado waxay kutilmaamtay wax waajiba nabugeena (csw)waxaa uyimid saddex nin waxay usheegeen inay xanbaarsan yihiin afkaar kala duwan oo iyaga aragtidooda kolkaas lasaxsanayd waxan uga socdaa saddexdii nin midkood ayaa yidhi yaa rasuulalaah waligay guursan maayo nabigeenu(cws) waxa uu ugu jawaabay anigu waan soomaa waanan afuraa waan tukadaa waanan seexdaa waanan guursadaa ninkii anan jeclayn sunahayga naga mid maaha!!! alaaahu akbar qofka aan guursan umadda nabigeena kama mid aha sidoo kale wuxuu nabigu(csw)xadiis uu macnihiisu ahaa qofku inta uuna guursan iimaankiisu kaamil maaha gaba gabadii waxaan kusoo koobayaa waxoogaa waana ah naftayda iyo naftiinaba bulshooy bulsha waliba waxay kudhisan tahay dhalinyartooda hadii ay suurta gal noqon wayday in waalidadeenu suurta galiyaan guur lagaga maarmo macaasida oo fudud waxaan odhan lahaa dhaliyarooy odayaashii barri waa inaga bal aanu isku dayno inaan abuurno dariiq kaduwan kaa inaga qaldamay ubadkeenana an ufudaydino guurka qofna maqiyaasi karo qofkale arsaaqdii waxa usoo socdana ma oga markaas rabi inta laga baqo halaga waantoobo afkaarta madigaa midna aan kudaree ubadkeena aynu udhisno waqtiga ay gali lahaayeen suuqa anan kala talino inay soodoortaan qofka nolosha lawadaagi kara hanan kawaan toowna inaan ubadkeena kuqasabno amaaba uguurino cid ayna raali ka ahayn akhriste waa fakarkaygii yaraa iyo aragtidaydi gaabnayd wixii wanaagsan kaqaado wixii an kuqaldamayna iska dhaaf tawfiiqdana rabi ha usugnaato wabillaaahi tawfiiq c/fataax daahir cige
This e-mail address is being protected from spam bots, you need JavaScript enabled to view it
cairo |