SIDEE GURI LOODHISAA AMMAA guur raaxo leh LAGU HANTAA PDF Print E-mail
 Maxay tahay raaxada  guurku ? maxaana laga helaa raaxada guurka ? qofkasta oo raaxa helaa mid guulaystay ma yahay ? sidoo kale qofkasta  oo guul helaa mid  raaxa helay  yahay ?     qoraalkan waxa uu ka hadlayaa waa  sidii loo heli lahaa nolol  guur oo laga  helo raaxo   iyo guul dhamaan 
  raaxo  =waa liibaan farxad 
dadka  qaarkood waxa ay aaminsanyihiin raaxada in laga helo lacagta.  dadka qaarna waxay aaminsanyihiin sharafta iyo magacaaga oo meel dheer gaadha in laga helo raaxada. qaarna waxay dhaheen intaas oo dhan ood wada hesho ayaa laga helaa  raaxada. lakiin sida  dhabta aha  waxaa laga helaa raaxada waa alla  ka cabsiga (  laysati sacaadatu jamca malin walaakina taqiyya huwa saciidu ) iman ashaafici rc  =ma ahan  raaxadu xoolo ururin ee ninka alla ka cabsada aya raaxaystay.
              raaxada guurka 


aayadaha quraanka  ee ka hadlaya in guurku iyo qoys oo la dhiso ay raaxa iyo indha doogsi tahay  waxa ka mid ah
 - (rabanaa hab lanaa min azwaajinaa wa durriyaatina qurrata acyun wajcalnaa lil mutaqiina imaamaa ) ilaahaw naga sii xaasaskayaga iyo tafiirtayadaba indha doogsi  -  xaasku iyo  ubadkuba waa indha doogsiga ninka. ninkuna  sidoo kale waa indha doogsida xaaskiisa

  - iyo ducada caanka ah ee (rabanaa atinaa fi dunyaa xasanatan wa fil aakhirati xasanatan wa qinaa cadaaba naar )  xasanada iyo wanaaga aduunkuna waa zawjada saalixada  ah sida ay culuma badan sheegeen
 - nabiguna scw  waxa uu sheegay  xadiis macinihiisu ahaa raaxada   aduunku waa  ninkoo hela zawja saalixad ah .iyo gabadha oo hesha zawj saalix ah
  gabadha saalixada maxaa sumad iyo calaamad u ah?
 1  -  waata  marka  aad aragto ku farax galisa  ee soo jiidata indhahaaga marka ay gurigeeda joogtana ninkeeda isku  qurxisa marka ay baxayso asturnaan ku baxda
   waxa iswaydiin leh  ninka miyaa isaga  looga baahnayn in uu xaaskiisa isku qurxiyo ?
dabcan  waa looga baahanyahay in uu isagna iskuugu qurxiyo sida ay iskuugu qurxiso iyaduba maalin  ayaa lagu yidhi c/laahi  binu cabaas rc maxaad sidan iskuugu qurxinaysaa ? markaas ayuu yidhi waxaxaan iskuugu qurxinaya sida ay iyadaduba iskuugu kay qurxiso
  2- waata marka uu  amro ninkeedu adeecda. guriga raaxadu u tahay calaamdana ma aha guri  laga arko dhaga adayg ee waa guri ismaqal is tix galin kala danbayn  ay taallo
  3- waata  marka uu ka maqanyahay nafteeda iyo hantidiisa  u sii xafida ee ilaalisa
         hadii  aan u dhaadhaco cinwaanka   aan danta ka lahayn ee ahaa see lagu heli karaa guur raaxo iyo guul lagu gaadho? waa in la helaa dhawrkan shay ee soo socda
    1-isfahan  labada qof ka dhaxeeya 
waxaa jirta  in dhalinyara qaarkood ay bugaag  ka akhriyaan gabadha ay guursan lahaayeen oo ay sii sawirtaan in gabadhu ay sidaas iyo sidaas  ahaato  oo ay noqoto  gabadh qurux badan hadalaaka u dhag raaricisa   iyo wixii la mid ah ah   gabadhuna ay sidoo kale sii sawirto wiilka ay mustaqbalka iyo  nolol wadaagi lahaayeen  wiil qurux leh karti badan aadna u tix galiya .
 marka guurku  kulmiyo ka dibna uu arko midkastaaba qofkii uu sawiranaayay   qof ka duwan oo sida  uu islahaa ha noqdo amma ha   noqoto ma ahane si kale uu ku arko  taas oo keenta khilaaf iyo is mariwaa markaaba bilaabma  sida  badan oo tira koob wadana qaarkood lagu sameeyay  laga sheegay furitaanku waxa uu dhacaa 3 bilood ee  nolasha guurka u horaysa  taasna waxaa dawo u noqon karta in isfahan oo la helo
-
 qofkuna uu  ogaado in qof  aduunka dhamaystiran uusan jirin
 markasta uu iska indha tirin wanaaga qofka kale uu leeyahay iyo in uu wanaaga  qofku ka badanyahay xumaantiisa wanaagiisana uu ku qaato kuna ilaawo  xumaanta yar ee qofku leeyahay
 naguna scw waxa uu yidhi(la yafruk mu.minun can mu.minatin in kari kariha minha khuluqan radiya minhaa aakhar ) ninka mu,minku yuuna markaaba ku nicin gabdha mun,minada dhaqan uu ka arkay waayo hadii kaas ka raali ahaan waayo dhaqano badan oy leedahay ayaa raali galin
  waa  in la is fahmo mid marka uu cadhoodana kan kale  uu u dul qaato  dab  holcayana biyo ayaa lagu bakhtiiyaa
abuu dardaa rc ayaa ku yidhi xaaskiisa marka uu guursaday  hadii aad i aragtid anigoo cadhaysan ha cadhoon anigu sidoo kale hadii aan ku arko ado cadhaysan cadhooni mayo.  
 2-3  waa  in guriga laga  helaa kalgacayl iyo jacayl la is waydaarsanayo iyo isku naxariisasho labada lammane  ka dhaxaysa .
 waxaa la arkaa dadka qaar marku uu la joogu asxaabtiisa iyo dadka kale isago  aad u  farxaansan  qoslaaya marka uu  gurigiisa u soo noqdona waji xidhan  iyo  cadho la soo hoyda taas oo keenta in xataa in caruurtiisu ka kala cararaan guriga oo dhanna  uu wada aamuso sidaasna ma ahan  si haboon farxadaada iyo waji furnaashahaagana reerkaaga ayaa ugu baahi badan  mana ay  ahayn dhaqankii  nabiga scw  in uu qofku gurigiisa waji xidhan ula so hoydo            
   waxa weeye in jacaylka la kala samaysto kalgacayl  lakala badasho  naxariis na laga helo  guriga.  nabiguna scw waxa uu yidhi  ( rifqan bil qawaariir )
 waxa  ka mid ah kalgacaylka  in  la isku dhaga nuglaado   lana istixgalaliyo  sheekadana la kala dhagaysto  .
-4 waa  in guriga laga saaro kalma ah aniga ( the word me ) oo lagu badalo anaga ( us) waa in waxkasta oo guriga  yaal  la dhaho waxa yagii intii la dhihi lahaa waxaygii tusaale ahaan caruurtayada . qolkeena  iyo wixii la mid ah
 -5 waa  in la is dhaho hadal wanaagsan qalbiga qofka kale markasta raad kaga tagaaya . waa  in  marka aad kala maqantihiin la is ammaano .hadalka wanaagsan eed qofkaaga ka bixisay marka uu cidkale ka maqlo  farxad wayn ayay ku  beeraysaa qofkaas  
-6 waa  in la wada qabto  oo la wada sameeyo  cibaadooyinka qaarkood .
    maxaana ka wanaagsan xaaskaaga ood wada tukanaysaan habeen badhka  ama aad qur aan wada akhrisanaysaan ?
   kawaran adiga iyo  xaaskaaga  ood maanta oo dhan ilaahay  dartii aad u wada soomanaydeen  marka la gaadhay waqtigii afurka aad wada fadhiisataan oo timirta afka aad u galiso ay ku tidhaa waad mahadsantahay oo wada ducaysataan ? raaxo intee leeg ayaad dareemi laahayd ?  
 intaas ayaa guud ahaan  laga hele karaa nolol guur oo raaxo iyo guul wadata  waxaana  is waydiin leh maxay nolasha raaxada iyo guusha leh ku noqon  kartaa nolol waligeed jirta oo sidaa wanaagsana ku sii socota ? maxaase wanaagaas ku sugi kara noloshasha guurka?........
 

 

                                                 

 kala soco  qaybta 2 aad                                                      

    djibnews

 
< Prev   Next >

Soo dajiso flash sa u aragtid